Ra?isal wasaaraha Liibiya oo goor dhow la sii daayey xili saaka laga afduubtay hoygiisa Tripoli

Tripoli, October 10, 2013 – Ra?isal wasaaraha dalka Liibiya Cali Zeidan ayaa la sii daayey goor dhowayd oo maanta ah kadib saacado badan oo uu xirnaa, markii saaka arroortii laga afduubtay hoteel uu ka degan yahay Tripoli.

Kooxo hubaysan ayaa ra?isal wasaaraha afduubtay balse dowladda ayaa xaqiijisay in la sii daayey goor dhowayd oo maanta ah, iyadoo aan faah faahin dheer laga bixin sababta loo xiray iyo natiijada sii dayntiisa.

Fallaago hore oo aan xiriir wanaagsan la lahayn dowladdaLiibiya ayaa sheegatay in ay iyagu xireen ra?isal wasaaraha, markii ay heleen amar ka yimid xeer illaaliyaha guud oo dhigaya in xabsiga loo taxaabo Zeidan.

Wasaaradda Garsoorka ee Liibiya ayaa beenisay warka sheegaya in xeer ilaalintu amartay in la xiro ra?isal wasaaraha, Liibiya waxaa saaran cadaadis xoog leh tan iyo sabtidii markii gudaha Tripoli ay ciidamada USA ka fuliyeen weerar lagu qabtay Anas Alibiy oo Argagixiso ku eedaysan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com