Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Kulan La Qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Kulan La Qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo galabta gaaray magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka aha ee labada dal iyo labada shacab iyo mashaariicda horumarineed ee Qatar ay Soomaaliya ka wado.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir qota dheer oo soo jireen ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com