Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Kulan la Qaatay Haweenka Koonfur Galbeed

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Kulan la Qaatay Haweenka Koonfur Galbeed

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo magaalada Baydhabo kulan kula qaatay qaar kamid ah haweenka Koonfur Galbeed, ayaa ku boorriyay in ay codkooda kor u qaadaan oo ay qaataan dowrka uga aadan dowladnimada iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre oo caddeeyay in haweenka Soomaaliyeed ay dul qaad badanyihiin, qayb muhiim ahna kasoo qaateen badbaadinta iyo samata bixinta ummadda xilligii ay adkeyd, ayaa kula dardaarmay in ay midbobaan, wada-shaqeeyaan oo ay ka leexdaan waddadii khilaafka, horumuud-na ay ka noqdaan ka dhabeynta rejada dalku leehayay iyo gaaridda hadafyada waaweyn ee la hiigsanayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay boqolkiiba konton ka yihiin bulshada, aqoonna ragga ay kala simanyihiin, suuragalna aysan ahayen in dalku uu horumar gaaro, adduunyada-na la tartamo hadii haweenka aan xuquuqdooda la siin oo aan laga tala gelin ka shaqeynta danta iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa haweenka kula dardaarmay in ka qeyb qaataan sugidda Amniga, ciidanka ku dhiiri geliyaan gudashada waajibaadka saaran, xogtana ay la wadaagaan, si bulshada Soomaaliyeed ay u hesho amni la isku haleyn karo.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo la kulmay rugta ganacsiga Koofur Galbeed ayaa uga mahad celiyay dowrka ay ganacsatadu ka qaadatay kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidii loo sii horumarin lahaa ganacsiga dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com