Ra’iisul Wasaare Xamse oo soo xiray shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo soo xiray shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa gelinkii dambe ee shalay soo xiray shirweynaha maalgashiga caalamaiga ah e

MAANHADAL: Booqashadii RW Kheyre, soodhaweyntii Gaalkacyo & gocashadii Puntland (dhegayso|daawo)
NinTooray ku hubaysnaa oo dad ku laayay Masjid ku yaalay magaalada London ( Daawo)
MAANHADAL: Caqabada soo wajahday shacabka Soomaaliyeed ee ka safra Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa gelinkii dambe ee shalay soo xiray shirweynaha maalgashiga caalamaiga ah ee Soomaaliya oo labo maalmood ka socday Muqdisho.

Shirka oo ay ka qeyb-galeen hay’adaha ka shaqeeya mashaariicda, ganacsatada, maalgashadayaal caalami ah iyo marti sharaf kale, ayaa lagu soo bandhigay fursadaha maal-gashi ee dalka Soomaaliya uu leeyahay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa khudbaddiisa xiritaanka shirka ku sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’antahay sameynta dib-u-habeyn sharciyada dhaqaallaha iyo amniga oo fududeynaya in Soomaaliya gudaheeda ganacsi laga sameyn karo, lana abuuri karo jawi maal-gashi oo soo jiita maal-gashadayaasha.

Wuxuuna sheegay in horay loo meel mariyay sharciga maalgashiga shisheeye, kaas oo damaanad qaadaya tartan ganacsiyadeed caddaalad ku saleysan.

Mudane Xamse ayaa intaa raaciyay in la dhisay guddiga sare ee maal-gelinta shisheeye oo ah guddiga ugu sarreeya ee sameeya siyaasadaha maal-gashiga dalka, sidoo kalana uu dalku leeyahay xafiiska dhiirri gelinta maal-gashiga shisheeye oo hoos-taga Wasaaradda Qorsheynta kaas oo loo sameeyay inuu dhiirri geliyo, soo jiito, isku dubbarido, uuna taageero buuxda siiyo maal-gelinta shisheeye ee tooska ah.

Shirka maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya oo ahaa kii ugu horreeyay oo nuuciisa ah ayna soo agaasintay wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaallaha, ayaa mudadii uu socday waxaa la isku weydaarsaday fikrado maal-gashi oo muhiim u ah kuwaas oo haddii la dhaqan geliyo lagana faa’iideysto qeyb weyn ka qaadan kara gaaritaanka horumarka ay Soomaaliya hiigsaneyso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo shalay furay Shirweynaha Caalamiga ee Malgashiga Soomaaliya, ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi.

Madaxweyne Maxamuud ayaa sheegay in qorsheyaasha dowladda ay aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo dowladnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka mid noqoshada suuqyada iyo ururrada caalamiga ah ee ganacsiga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: