Ra’iisul Wasaare Rooble: “Waxaa ku baaqayaa  in loo midoobo la-dagaalanka Al-Shabaab”

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Rooble: “Waxaa ku baaqayaa in loo midoobo la-dagaalanka Al-Shabaab”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay

Guddoomiyaha DPFZA Jabuuti: Danta DP World waa in ay Jebel Cali badbaadiso
RW Xasan Cali Khayre oo balan qadyo u sameyaay Sirdoonka Qaranka
CARSHAANTA HARKA QABO EE MURCANYO,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay ku shaaheynayeen dad rayid ah, kaasi oo ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ra’iisul Wasaare Rooble ”Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisada Al-Shabaab ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.

Falkan waxa uu muujinayaa sida ay argagixisada uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib nooga dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada noo diiddan nabadda iyo dowladnimada.”

Warkaan kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo aadayaa xilli dhowr jeer Magaalada Muqdisho ay qaraxyo ka dhaceen, isla markaan dowladda Soomaaliya aysan qaadin wax tallaabo ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: