Ra’iisul Wasaare Rooble oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxaa (daawo)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shucuubta Islaamka guud ahaan, gaar ahaanna Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda barakeysan ee Ciidul Adxaa.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu Eebe uga baryay ummadda Islaamka in uu ka aqbalo ducada iyo acmaashii wanaagsaneyd ee ay la yimaadeen, uuna u dhaafo dambiyadooda.

Eng. Rooble ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin dad leh qalbiyo wanaagsan oo is caawiya, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay mar walba in la is xusuusiyo ka farxinta dadka daryarta ah, si ay u dareemaan uguna dabbaal degaan farxadda ciidda.

Munaasabadda Ciidul Adxaa sanadkan waxay ku soo beegantay, iyadoo dalku doorasho galayo, taas uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay ducada ku soo kabaan, si uu ALLE ula garab galo howshaas masiiriga ah ee taabaneysa aayaha dalka iyo dadka.

Daawo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com