Site icon Radio Daljir

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun oo ku beegan xorriyaddii Gobollada Woqooyi ee markii ugu horreysay Calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay halyeeyadii halganka horseeday in ay mudan yihiin ammaan, duco iyo ku dayasho rag iyo dumarba, kuwaa soo dhidibada u taagay calanka iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya ee xorta ah.

“Si gaar ah waxaan u xusuusaneynaa halgameyaashii iyo dhaqdhaqaaqyadii gobannimo-doonka ee gobollada woqooyi ee markii ay gumeysiga iska dulqaadeen gartay in ay la midoobaan walaalahooda Koonfureed, taasoo uu ka dhashay qaran Soomaaliyeed”.

Eng. Rooble oo ka hadlayay miraha guushii ay horseedeen halgamayaashii gobonimada dhaliyay ayaa sheegay in wali baahi weyn u qabaan bulshada Soomaaliyeed midnimo, walaalnimo iyo wadajir, si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka ee dhinac walba leh.

Exit mobile version