Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay saraakiisha ciidamada AMISOM ee Sector 2

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay saraakiisha ciidamada AMISOM ee Sector 2

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu la socday Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xaaji, ayaa maanta Magaalada Kismaayo kula kulmay taliyeyaasha sare ee ciidamada Amisom qeybta 2-aad ee ka howlgala deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland.

Ra’isul wasaaraha ayaa kala hadlay saraakiishaasi arrimaha amniga doorashada iyo iskaashiga ay la leeyihiin ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’isul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha Jubbaland gaar ahaan howl-galada ka dhanka Al shabaab ee ka socdo deegaannada Jubbaland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com