Site icon Radio Daljir

Ra’iisul wasaare Rooble oo la hadlay Wafdigii ay dowladda u dirtay Maxkamada ICJ

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed xuseen Rooble ayaa kulan dhiirrigelin ah habka fogaan aragga kula yeeshay wefdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galaya ku dhawaaqista go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee dacwadda badda,isagoo guul u rajeeyay Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in ay matalayaan dadka Soomaaliyeed oo dhan ayna wada sugi doonaan jawaabta maxkamada.

Maxkamadda Caddaaladda aduunka ICJ ayaa 12 bishan Ku dhawaaqidoonta natiijada kama danbeeska ah ee dacwada badeena ee ay nagu heesato Kenya.

Exit mobile version