Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay Shirka Todobaadlaha Golaha Wasiirrada Jubaland (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka qeyb galay Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubaland guddoominayay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka siiyey golaha hannaanka doorashooyinka iyo dadaallada Xukuumadda ee ku aadan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorashooyin hufan oo lagu wada kalsoon yahay.

Shirkan oo ay sidoo kale ka qeyb galeen wasiirrada XFS ee Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya socdaalkiisa Jubaland ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta Wasaaradaha kala duwan ee heer federaal iyo Jubaland.

Sawirro.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com