Ra’iisul wasaare Rooble oo ka hadlay qaraxii Muqdisho

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka hadlay qaraxii Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxii xooggaa ee maanta magaalada Muqdisho oo lagu beegsaday dad u badan shacab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa amray xaqiijinta ammaanka caasimadda.

“Waxaan qoysaskoodii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeen uga tacsiyeynayaa dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta kula beegsadeen Muqdisho. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaare ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka Shabaab waxaana uu yiri “Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argaxisadan hororka ah ee shacabkeenna xasuuqa joogtada ah ku haya”.

ku dhawaad 10 ruux, ayaa ku dhimatay Qarax loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey walxa qarxa oo Sabtida maanta ah ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan isgoyska Ceelgaabta.

Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay sidoo kale in ay ku dhawaacmeen 9 ruux, kuwaasoo hadda xaaladooda Caafimaad lagula tacalaayo Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com