Ra’iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyey Howlwadeennada Gargaarka Caafimaad ee la tacaalaya COVID-19 (Daawo)

Ra’iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyey Howlwadeennada Gargaarka Caafimaad ee la tacaalaya COVID-19 (Daawo)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Xarummaha Xiriirka Dadweynaha 449 oo ka shaqeeya isku xirka shacabka, goobaha caafimaadka iyo Guddiga Naf-badbaadi ee ku howlgala xarummaha dowladdu ay u qorsheysay la tacaalidda Covid19.

Howlwadeennada Caafimaadka ee ku sugnaa Cisbitaalka Banaadir oo u badan dhallinyaro, Xeeldheereyaal Soomaaliyeed ee dhanka caafimaadka ah iyo culimo si mutadawicnimo ah ugu adeegaya dadka Soomaaliyeed, iyagoo tallooyin siiya dadka la soo xiriira talooyin iyo gurmad la xiriira habka la tacaalidda cudurka Covid19.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dhallinyarada ka howlgasha xarunta sida mutadawicnimada ah ee ay waqtigooda ugu hurayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, xiligaan uu dhibaatada xoogga leh ku hayo dalka xanuunka Covid19.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com