Ra’iisul Wasaare Rooble & Guddoomiye Cirro oo ka wada hadlay toosinta iyo hufnaanta doorashada Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaare Rooble & Guddoomiye Cirro oo ka wada hadlay toosinta iyo hufnaanta doorashada Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro oo uu kala hadlay toosinta iyo hufnaanta doorashada Golaha Shacabka ee BFS iyo xaqiijinta in aan cidna lugu xadgudbin.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xiriirta habka ay u socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka, isaga oo u cadeeyay in ay si huufan u qabanayaan doorashooyinka..

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa kusoo beegmaya xilli xubno u badan musharrixiinta Madaxweynaha ay walaac ka muujinayeen sida ay ku socdaan doorashooyinka, iyaga oo ku dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com