Ra’iisul Wasaare Nawaz Shariif oo Xilkii Iska Casiley

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Nawaz Shariif oo Xilkii Iska Casiley

Ra'iisalwsaaraha dalka Pakistan, Nawaz Shariif ayaa xilka iska casilay ka dib markii maxkmadda ugu sarreysa dalkaasi ay go'aamisay inuusan u qalmin si

Shil Gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Garoowe
Madaxweyne Farmaajo: “Waxaan ku baaqayaa in loo gurmado dadka ay Abaartu saameysay” (daawo)
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)

Ra’iisalwsaaraha dalka Pakistan, Nawaz Shariif ayaa xilka iska casilay ka dib markii maxkmadda ugu sarreysa dalkaasi ay go’aamisay inuusan u qalmin sii haynta xilkaasi.

Baaritaanka ayaa lagu sameeyey hantida qoyska Nawaz Sharif, kadib markii sanadkii 2015-kii ay soo baxday “cadaymihii Panama”, taasi oo lagu sheegay in qoyska ra’iisal wasaaruhu ay ku lug leeyihiin shirkado ku yaalla dalka dibadiisa.

Sharif ayaa si joogta ah u beeniyay eedaymaha loo jeediyay.

Garsoorayaasha maxkamada oo ka kooban 5 qof ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay go’aanka. Waxaana aad loo adkeeyey ammaanka guud ee caasimada Islamabad.

Ejaz Afzal Khan oo kamid ah garsoorayaasha kiiskan qaaday, ayaa sheegay in Nawaz Sharif aanu sii ahaan karin xubin sharafeed kamid ah baarlamaanka.

Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Chaudhry Nisar Ali Khan, ayaa u jeediyay ra’iisal wasaaraha in uu aqbalo xukunka maxkamada.

Maxkamada ayaa baaritaan ku haysay tiro dad ah oo uu kamid ah yahay Nawaz Sharif, gabadhiisa Maryam iyo saygeeda, wasiirka ganacsiga iyo xubno kale oo dawlada ka tirsan.

Nawaz Sharif ayaa dhowr jeer ra’iisal wasaare kasoo noqday Pakistan, laga soo bilaabo 1990-kii. Waxaana sanadkii 1999 xilka looga tuuray afgembi aan dhiig ku daadan.

XIGASHO-BBCSOMALI

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: