Site icon Radio Daljir

Ra’iisul Wasaare Kheyre ooo hoygiisa ku qaabilay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah Boqorka Beelaha Daarood ayaa maanta waxaa hoygiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Boqorka ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu uga mahad-celiyay soo dhawaynta uu hoygiisa ugu sameeyay, wuxuuna Boqorka uu kula dar daarmay in madaxda ay si daacad ah bulshada ugu shaqeeyaan.

Kulanka kadib Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu Boqorka uu gudoonsiiyay bilad sharaf uu ku mutaysaty dadaaladii uu ka qaatay dib u hesiisiinta beelaha Soomaaliyeed.

Exit mobile version