Ra’iisul Wasaare Kheyre oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo

Wafdigan uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo mas’uuliyiinta Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,maamulada gobolka,kan degmada Baydhabo,odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Inta uu joogo halkaasi wuxuu la kulmi doonaan madaxda Koonfur Galbeed iyo bulshada deegaanadaasi,iyadoo magaalada laga dareemayo soo dhaweynta wafdiga raiisul wasaaraha.

Boorar ku xardhan sawirka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu dhejiyay waddooyinka iyo meelo badan oo kamid ah magaalada,taasi oo qeyb ka ah soo dhaweyntiisa.

Raiisul wasaaraha Soomaaliya ayaa muddooyinkan wuxuu ku sugnaa deegaanada Galmudug, halkaasi oo uu ka waday dadaalo dib u heshiisiineed,wuxaana uu halkaas kasoo furay Shirka dib u Heshiisiinta galmudug kaas oo ay ka qeybgalayaan ergooyin badan oo reer galmudug ah, Sidoo kale wuxuu booqday magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com