Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeeray Taliska Qeybta Guud ee Booliska iyo Baraha Ciidanka

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeeray Taliska Qeybta Guud ee Booliska iyo Baraha Ciidanka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer ku tagay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo Isgoysyada ay ku sugan yihiin Ciidamada amniga.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale kormeeray xarunta hagista iyo ka jawaabida Taleefanada laamaha Amniga laga soo waco ee Nambarka 991, kaasoo dhowaan ay dib u howlgeliyeen Ciidamada Booliska, si shacabka ugu soo gudbiyaan xogaha ay helaan.

Intii uu kormeerka ku guda jiray Ra’iisul Wasaaraha ayuu waxaa uu ku wargeliyay Saraakiisha Booliska inay la shaqeeyaan shacabka, waxaana uu laamaha amniga kula dardaarmay inay laba jibaaraan dadaalada lagu sugayo Amniga.

Ciidamada ammaanka ayaa kordhiyay howlgalada lagu sugayo amniga, iyadoo xaalada amni ee magaalada Muqdisho ay soo hagaageysay todobaadyadii u dambeeyay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com