Ra’iisul Wasaare Khayre oo u dhoofay Dalka Biljamka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo u dhoofay Dalka Biljamka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxa uu u ambabaxay Magalada Barasalis ee Wadanka Biljamka,halkaaso oo uu shir uga qeyb gali doono.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa ka hor safarkiisa ee Wadanka Biljamka waxa uu Garoonka Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Ciyaartoyda Xulka 17-jirada dalkeena Soomaaliya ee dalka Burundi uga qeyb galay tartanka Bariga & Bartamaha Afrika.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dalka Bilkamka waxa uu uga qeybgeli doonaa shir looga hadlayo dib-udhiska ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo sidoo amniga dalka ay kala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeybgalaya Madax ka socota dowladaha taageera Soomaaliya iyo Hay’addaha deeqaha bixiya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Nuurkanederland 6 years ago

    KKKKKKKKKKK
    HA KU SHEEKAYN
    OO SHIRKADO HA GEYN
    MUUSE XIIR BAY FARDO DHAAFEEN.
    CID KUU DHISAYSA CIIDAMADA MA LEH.
    KHAYRE BILJAM WUU KU LUGO’I DOONAA!.
    EELKA KII DHIGAY U DACWOOTOOY.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com