Ra’iisul Wasaare Khayre oo maamulka Koonfur Galbeed usoo jeediyay inuu u guuro Baraawe

Ra’iisul wasaaraha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo booqasho ku tagay maalinimadii shalay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose ayaa usoo jeediyay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya inay usoo guuraan.

Khayre ayaa sheegay socdaalkiisa magaalada Baraawe inay tahay mid ku salaysan dhiiri gelinta shacabka iyo ciidamada, dhagax dhigga garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe iyo dhismaha deked ay yeelato magalaada Baraawe.

Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa ah magaalada Baraawe, inkastoo maamulku uu ku shaqeeyo si KMG ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga Ra’iisul wasaare Khayre oo ku guda jira booqashadooda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la faliyaa maanta in shirkooda golaha wasiirada ay ku yeeshaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Hoos kadhegayso

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com