Ra’iisul Wasaare Khayre oo Lakulmay Wafti Ka Socda Boqortooyada Qadar

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Lakulmay Wafti Ka Socda Boqortooyada Qadar

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehliso Wasiirka Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wafdi ka socday Dowladda Qatar oo uu hogaaminayey Sheekh Xamed Bin Fahad Al-Thani oo ka mid ah qoyska boqortooyadda dalkaasi, Safiirka Qatar ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda gargaarka ee Qatar charity.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dalbaday inay laba labaan howlaha gurmadka abaaraha isla markaana ay dowladdu dhiiri gelinayso cid kasta oo ka qayb qaadanaysa gurmadka abaaraha, iyadoo wafdiga ka socday dowlada Qatar ay balan qaadeen iney kaalintooda ka qaadan doonaan gurmadka walaalahood tabaaleysan.

Dhinaca kale Ra’isul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxa uu kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay safiirka dowladda Norway u jooga Soomaaliya, waxaana uu kala hadlay sidii dowladda Norway ay u dar-dar galin lahayd mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka hirgeliso, adkaynta xariirka labada dal iyo inay ka qayb qaadato Gurmadka abaaraha ee lagu bad-baadinayo dadka ay saamaysay abaaraha ka jira xiligaan dalkeena .

Dowladda Norway mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgelisay Soomaaliya waxa ka mid ah Nalalka Cadceedda ku shaqeeya oo ay ka hirgelisay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com