Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan soo Dhaweyn ah la Qaatay Safiirka Cusub ee Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan soo Dhaweyn ah la Qaatay Safiirka Cusub ee Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga

Saaka & Dunida iyo Xasan Heykal, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Wariye Jamaal Cismaan ” Shaqada warbaahintu maaha inay tebiso waxa Dowladu sheegto keliya,”
Wararkii ugu dambeyeey ee dagaalka Itoobiya & RW Abiy oo Digniin kama dambeys ah soo saaray

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirka cusub ee Talyaaniga ayaa looga hadlay xoojinta xariirka qotada dheer, soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee Talyaaniga oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya ku bixiyo horumarka dalka oo ay qayb ka tahay qorshaha deynta looga cafinayo dalka.

MadaxweyneMaxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa October 16, 2019warqadaha safiirnimo ka guddoomay danjire Alberto Vecchi.

Diwaanka
Wararka Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: