Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan La Qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa kala hadlay dedejinta dhamaystirka sharciga doorashooyinka iyo dib-u-eegista sharciga xisbiyada.

Xubnaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinaka ayuu ugu horrayn Ra’iisul Wasaaruhu ka dhagaystay waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshooyinkooda ku aadan hir-gelinta doorashooyinka 2020.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga u caddeeyay in dawladda ay ka go’antahay in ay kala shaqeeyaan waajibaadka ka saaran doorashooyinka dalka.

Halbeegyada ku jira tubta siyaasadda loo dhanyahay ee la doonayo in lagu guulaysto sannadkaan 2019 ayaa waxaa kamid ah samaynta sharciga doorashooyinka oo saldhig u noqonaya in shacabka Soomaaliyeed ay go’aan ka gaaraan hoggaanka dalka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com