Ra’iisul Wasaare Khayre oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hogaaminayo ra’iiusl wasaaraha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Shacabka magalaada Baydhabo iyo madaxda ugu saraysa  Koonfur Galbeed ayaa ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyey magalada Baydhabo, iyadoona loo sii gelbiyay madaxtooyada magaalada Baydhabo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo kusaabsan ammaanka iyo la dagaalanka Al-shabaab la qaadan doona madaxda Koonfur Galbeed Soomaaliya, xilli ay dowladda ay horay u sheegtay inay qaadayso duulaan ka dhan ah A-shabaab.

Todobaad kahor ayay ahayd markii ra’iisul wasaaraha uu booqday magaalada Baraawe oo uu ka dhagax dhigay mashaariic ay ka mid tahay dhismaha deked ay yeelato magaaladaasi.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com