Ra’iisul wasaare Khayre oo farriin u diray ururka Alshabaab

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa farriin muhiim ah waxaa uu u diray dhalinta ka barbar dagaalameysa Ururka Al Shabaab, isagoona sheegay in soo dhawayn loo samayn doono.

“Dhalinyarada la marin habaabiyay ee Shabaabka ah, oo beenta loo sheegay, iyagana waxaan leenahay Ilaahay ha idin soo hadeeyo khalad baad ku socotaan, dad Muslimiina inaad leysaan jano ku geli maysaan.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.

“Waxaan u fidinaynaa gacan, waxaana leenahay soo dhawaado, Ciddii ka soo baxdaa qoloda nabadiidka waxaan ka shaqayn doonnaa inaan soo dhawayno Insha’Allah, Dalkaan dadkiisu wuu u baahan yahay, waana isu keeni doonnaa haddii Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisal Wasaare Khayre, ayaa tilmaamay in uu la xanuunsanaayo dadka Somaliyeed, marka ay noqoto amni darrada dalka ka jirta, balse waxaa uu carabka ku adkeeyay in xukuumadiisu ay ka shaqayn doono, wax ka qabashada arrimaha ammaanka.

“Waan la xanuunsanayaa shacabka Somaliyeed amni xumada wadanka ka jirta, sida aan Baarlamaanka hortiisa ka qirtayna waxay noqon doontaa muhiimadeeda ugu sareyso, oo xukuumadeeda wax ka qaban doonto.” Ayuu yiri Khayre.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com