Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhuusamareeb Kula kulmay safiirrada Caalamka ee Saldhiggoodu yahay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhuusamareeb Kula kulmay safiirrada Caalamka ee Saldhiggoodu yahay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay safiirrada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ee saldhiggoodu yahay magaalada Muqdisho iyo wakiilladaha hey’adaha caalamiga ah oo maanta magaalada soo gaaray.

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee lagu dhisaayo Galmudug loo dhanyahay oo qeyb ka qaadata horumarinta dalka iyo ka guul gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalladiisa dhismaha hey’adaha Galmudug, qarameynta ciidamada deegaanka iyo isu diyaarinta xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugantahay Galmudug.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tiran xukuumadda oo ay kamid yihiin wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga gudaha iyo sidoo kale madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo mas’uuliyiinta kulanka uu la qaatay uga warbixiyay heerarka kala duwan ee ay soo mareen dadaallada lagu dhisayo Galmudug, ayaa ka codsaday in ay laba jibbaaraan taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya si guul wax ku ool ah looga gaaro dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Mas’uuliyiinta beesha caalamaka ee Ra’iisul Wasaaraha kulanka la qaatay waxaa kamid ahaa wakiillada Qarmada Midoobay, midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maalintii 29-aad deegaannada Galmudug ugu sugan dhismaha Galmudug sal adag, loo dhanyahay oo xariir dhawna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com