Site icon Radio Daljir

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Baydhabo ku wajahan

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Arbaco ah ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo, halkaasi oo amaanka si’ aad ah loo adkeeyey.

Arimaha la dagaalanka Al-shabaab iyo nabad galyada ayaa la filayaa inuu ra’iisul wasaaraha uu kala hadlo madaxda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Exit mobile version