Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Agaasimaha maamulka Bangiga Adduunka oo kulan ku yeeshay Geneva

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Agaasimaha maamulka Bangiga Adduunka oo kulan ku yeeshay Geneva

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel van Trotsenburg, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Swizerland.

Kulanka oo qeyb ka ahaa kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qeyb geleysa madasha qaxootiga adduunka ayaa looga hadlay arrima muhiim ah oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya.

Bangiga adduunka ayaa taageera hey’adaha dowladeed ee dalka si loo dhiirri geliyo dowlad wanaagga, loona karaariyo dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • WAAW WAAW 
    USA,& EU DUNIDA WAY U KOODHEEN WAXAYNA DHAHEEN:
    IMF WAXAA GUDOOMIYE KA NOQON KARA QOF EU,AHKALIYA.
    WOLRD BANK-kana WAXAA GUDOOMIYE KA NOQONKARA QOF MARAYKAN AH OOKALIYA.
    DUNIDA INTA KALANA WAA ROOTI…KKKKKKKK.WAXAASAA LAANDHEERANIMO LADHAHAA!!.

    ISKA JIR:
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICE
    ALSHABAB+CIA+AMISOM+UNSOM+MI6+NISA+KHALIIJUL CARAB=ONE.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com