Ra’iisul Wasaare hore Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay mudo kordhinta lo sameyey Madaxweyne Farmaajo

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa noqday siyaasigii ugu horeyeey ee soo dhaweeya Go’aanki Barlamaanka Soomaaliya mudo kordhin ugu sameyeen Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa u Qornaa sidan.

HAMBALYO GOLAHA SHACABKA BAARLAMAANKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
Anigoo ku hadlaya magacayga ka Ra’iisul Wasaare Hore ahaan iyo magaca Xisbiga Waddaniga Soomaaliyeed waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoonka iyo Xubnaha Golaha Shacabka oo maanta meel mariyey Sharciga Gaarka ah Jiheynta Doorasjooyinka Dalka. Qaraarka Golahu wuxu ka dhigan yahay shacabka Soomaliyeed oo dib loogu soo celiyey xaqiisa dastuuriga ah oo uu muddo dheer ku taamayey inuu mar uun helo; waa awoodda oo gacanta loo geliyey shacabka si uu doorasho xor ah ugu codeeyo wakiilladiisa siyaasadeed ee ku matalaya goleyaasha sharci dejinta iyo madaxtooyada qaranka.

Tanaasulaad iyo dulqaad fara daban oo uu muujiyey MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhalay in xaqu uu soo daahiro oo ay fashilmaan isbaarooyin iyo hagardaamooyin muddo 7 bilood ka badan (kaddib heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ee DFS, D/Goboleedyada & G. Banaadir) loo dhigayey horumarka dimoqraadiyadda, doorashooyinka, dowladnimada iyo danaha ummadda Soomaaliyeed.

Waa xaaraan in shakhsiyaad fara ku tiris ah oo dano gaar leh ama fulinaya dano shisheeye ay hor is taagan waddo kasta oo loo mari lahaa in doorashooyin ay ka dhacaan dalkeenna.

Mucaarad iyo musharraxiin wax duminaya dheh ama maamul goboleedyo is mooday in ay iyagu jamhuuriyadda xukumaan iyo kuwa u kiraysan oo u sacab tumaya dheh, maanta xaqii baa dillaacay oo Golaha Shacabka e BFS
ku toosiyey inuu u hiilliyo dadka, dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed isagoo gudanaya waajibaakiisa dadtuuriga ah.
Guusha maanta dhalatay waxaa garab taagan axsaabta siyaasadeed ee horusocodka ah oo u halgamayey in dalka la gaarsiiyo doorashooyin ay xisbiyo ku tartamaan hoggaanka qaranka. Waxa kale oo garab taagan shacabka Soomaaliyeed ee canshuur biciyaha ah una baahan xasillooni, amni iyo nolol lagu gaari karo dowladnimo keliya.

Ugu dambayntii, Dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeduba u dulqaadan maayaan faragelin shisheeye ee arrimahooda gudaha, waxayna diyaar u yihiin deris wanaag iyo iskaashi ku qotoma xeerarka iyo qawaaniinta caalamiga ah.

SOOMAALIYA HA NOOLAATO


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com