Ra?iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Muqdisho.

Mogadishu, Apr 1 -Ra?iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib shir uu uga qeyb galay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaa oo ay soo qaban qaabisay Xafiiska Siyaasadda Q/midoobey ee UNPOS.

Ra?iisul Wasaaraha iyo wafdigii la socday ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Ku-Simaha Ra?iisul Wasaaraha, Wasiiro, xildhibaano, Ururada Haweenka Gobolka Banaadir iyo shacab kale oo aad u farabadan.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Lynn Pascoe oo ah ku xigeenka Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Siyaasadda iyo wafdi kale. Sidoo kale kulankan waxaa ka soo qeybgalay Alexander Rondos oo ah Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika iyo diblomaasiyiinta beesha caalamka ku sugan Nairobi. Shirkan ayaa waxaa shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

Ra?iisul Wasaaraha ayaa marka uu soo degay kadib saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka diyaaradda ee Aadan Cadde International Airport, Isagoona Sharaxaad kooban ka bixiyay Shirkii uu ku soo qaatay magaalada Nairobi iyo wixii looga hadlay.

Wuxuuna sheegay in shirka ay soo qaban qaabisay Xafiiska Siyaasadda ee UNPOS, islamarkaana uu shir gudoominayay Ergeyga gaarka ah ee Xafiiska Siyaasadda ee Q/midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Augustina Mahiga.

?Shirka waxaa looga hadlay dardar gelinta Roadmap-ka,Dhameystirka xilliga kala guurka, arrimaha dastuurka iyo qodobadii ka soo baxay shirkii London iyo caqabada hortaagan?. Ayuu yiri R/Wasaaraha.

Ra?iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhankooda ay Beesha Caalamka ka codsadeyn in la dardar geliyo taageerida dowladda iyo dhaqaale ku bixin tooda, Wuxuuna sheegay Ra?iisul Wasaaraha in arrintaasi ay si fiican ku soo dhamaatay.

—DHAMAAD—


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com