Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Lagu Soo Dhoweeyey Itoobiya (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Lagu Soo Dhoweeyey Itoobiya (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si uu uga qeyb galo shirka madaxda Urur Goboleedka IGAD.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Addis Ababa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, iyadoo intaasi kadib loo galbiyay Magaalada.

Shirka Madaxda Urur Goboledka IGAD ee ka qabsoomaya magaalada Addis Ababa ayaa waxaa horey ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

SAWIRRO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com