Ra’iisul-wasaaraha Somaliya oo Garowe ku soo wajahan

Garacad, 24, March, 2016-(Daljir)_Maalinta Jimcaha ee ku beegay 25-Mars, waxa la filayaa in Garowe uu yimaado Ra’isal wasaaraha dalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, isagoona madaxda Puntland kala hadli doonaa arrinta labada dhinac ku kala aragti duwanyihiin ee ah habka loo marayo doorashada Somalia 2016.
 
Macada cida ku wehlisa safarka Ra’isal wasaaraha dalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake.
 
Socdaalka Ra’isal wasaaraha ayaa imaanayana iyadoo Madaxwayne Gaas uu ku maqanyahay deegaanada lagu dagaallamay gobolka Mudug gaar ahaan Garacad, balse macada inta uu qaadan doono safarka Madaxwayn Cabdiweli.
 
Wararka aan helayno ayaa sheegaya inuu madaxweynuhu safarkiisa soo gaabinayo si uu kulamo ula qaado Ra’isal wasaaraha xukuumadda Federalka Somalia.
 
Wada hadlka Xukuumada dhexe ee Somalia iyo Puntland ayaa ku soo adayaa iyadoo dagaalo ka dheceen deegaan xeebeedyada Nugaal iyo Mudug, isla markanaa guulo badan ka gaadheen ciidamada difaaca Puntland.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com