Site icon Radio Daljir

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in Ciidamadisu ay la wareegeen Magaaladda Mekelle

Abiy Ahmed: ‘To those who tried to divide us, I want to tell you that you have not succeeded.’ Photograph: Tiksa Negeri/Reuters

Ciidamada federaalka dalka Ethiopia ayaa dagaal kula wareegay magaalada Mekelle ee xarunta u ah ismaamulka Tegreega.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa lagu sheegay In Mekelle ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidanka Federaalku taas oo calaamad u ah soo afjaridda wajigii ugu danbeeyay howlgalka sharci soo celinta sida lagu sheegay qoraalka.

Ciidanka ayaa la wareegay goobaha mihiimka ah danta guud sida garoonka diyaaradaha iyo xafiisyada heyadaha dowladda .
TPLF wali arrintaan kama hadlin balse waxay saakay qireen in ciidanka dowladda ay bilaabeen weerar ka dhan ah magaalada Mekelle.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

Exit mobile version