Ra’iisul wasaaraha dalka oo Muqdisho kaga qaybgalay roob-doon

Muqdisho, Maarso 14,2017———-Iyadoo uu horay u iclaamiyay madaxweynaha dalka Salaad Roob doon ah maalinta Taladaada oo maanta ku beegan, ayaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Xasan Cali Kheyre waxa uu shacabka kula tukaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka Salaad Roob doon iyo duco ah, in Abaarta alle ka dulqaado umadda.

Ra’iisal Wasaaraha oo shacabka la hadlay salaada kadib, ayaa ugu baaqay shacabka inay is cafiyaan, si wada jir ahna alle u baryaan in abaarta alle ka dulqaado shacabka, isaga oo u duceeyay dadka ay abaartu ku dhufatay, isaga oo alle ka baryay inuu roob iyo barwaaqo ugu badalo abaarta.

Qaar ka mid ah wadaadada waaweyn ee dalka oo iyaguna shacabka la hadlay ayaa tilmaamay in qof kasta oo Soomaali ah ay waajib ku tahay inuu ka qeyb qaato taakuleynta dadkaasi abaarta u le’anaya, waxayna si gaar ah uga codsadeen ganacsatada Soomaaliyeed inay kaalin muuqata ka qaataan gargaarka loo fidinayo shacabkaasi.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com