Ra?iisul W. Soomaaliya ayaa maanta ka qaybgalay kulan ay kasoo qabygaleen boqlaal dhalinyaro ah.

Muqdisho, July 30 – Ra?iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada? ayaa maanta ka qayb galay kulan ay soo qaban qaabisay Hay?ada CRD, kulankas oo looga hadalyey doorka Dhalinyaradu ku leedahay horumarinta Bulshada.

Ugu horayntii waxaa meesha ka hadlay Agaasimaha CRD Jibriil Ibraahim Cabdule waxaana uu sheegay in ay bilaabayaan mashruuc loogu magac daray BARAARUG kaas oo dhalinyarada lagu siinayo lacago ay ku shaqaystaan isla markaan dhalinyarada loogu abuurayo xirfado ay uga maarmaan inay ka qayb qaataan colaadaha saamaynta ugu badan ku yeeshay dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa hadal kooban ka soo jeediyey goobta Wasiiru Dowlaha Dhalinyarada Iyo Isboortiga Prof. Cabdulahi Sheekh Cali (Qaloocow) isagoona sheegay in ay sameyeen wacyi galin ku aadan sidii dhalinyaradu u qaadan lahaayeen qalinka qorigana u dhig lahaayeen wasaaraduna ay ka ciyaartay door muhiim ah sidii laysugu xiri lahaa dhalinyarada loona hormarin lahaa Isboortiga

Ugu danbayntii Ra?iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli ayaa sheegay in Dhalinyarada looga fadhiyo iney ku dadaalaan waxbarashada taas oo ah mida kaliya oo lagu hormarin karo bulshada. sidoo kale Ra?iisul wasaaraha ayaa u sheegay Dhalinyarada inay yihiin madaxdii barito sidaas daraadeedna ay meel uga soo wada jeestaan sidii loo hormarin lahaa dalka.

(Xafiiska R/wasaaraha)

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com