Ra’iisalwasaare ku Xigeenka Xukuumadda ayaa Hambalyo Udiray Madaxweynaha Cusub ee Puntland

Ra’iisalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Md Mahdi Mohamed Gulleid Khadar ayaa Hambalyo udiray Madaxweynaha Cusub ee loo doortay Puntland Muddane Siciid Cabdullahi Deni.

Avv; Khadar Gulleid ayaa qoraal kooban oo ku baahiyay Bartiisa Twitterka waxa uu Hambalyo iyo ducoba u diray Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni wuxuuna Maamulka Puntland u rajeeyay badhaadhe iyo sanado badan oo kale oo horumar ah.

Ku Xigeenka Ra’iisalwasaaraha ayaa amaanay hanaanka is fahamka iyo qaneecadu ku jirto ee loogu kala baxay doorashadda waxaana uu xusay in Puntland uu u curtay waa cusub oo ay ku tartami karto horumar.

Ugu dambayn Ra’iisalwasaare ku xigeenka dalku waxa uu Uduceeyay Madaxweynaha cusub Shacabka Puntland wuxu ku booriyay inay nabadgelyo kusoo dhoweeyaan hogaankoodda Cusub.

Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Md Khadar Gulleid ayaa ilaa hadda ah Masuulkii ugu horeeyay ee dawladda Federaalka ah Hambalyo u dira Madaxweynaha Cusub ee yeelatay Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com