Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga  oo Muqdisho gaaray

HomeWararka

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga oo Muqdisho gaaray

Wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga Hakan Jaush Ogolo oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa booqday xarunta tababark

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal.
Madaxweyne Deni oo kormeeray qalabkii lagu dhisi lahaa Dekeda Garacad (daawo | dhegayso)
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)

Wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga Hakan Jaush Ogolo oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa booqday xarunta tababarka Militariga Soomaaliya oo Turkigu ay ka hirgeliyeen magaalada Muqdisho.

Waxaa wafdiga ugu horeyn si diiran u soo dhaweeyey R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha dibadd aee Soomaaliya, Xildhibaano iyo Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker.

Hakan Jaush Ogolo raiisul Wasaare kuxigeenka Turkiga iyo wafdigiisa oo uu wehliyo dhigiisa Soomaaliya ayaa booqday saldhigga Militari ee Turkiga uu ku tababaro Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku yaalla degaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

Mas’uuliyiintani ayaa waxaa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha uu saldhigaasi ka kooban yahay,iyagoo u kuurgalaya sida ay u socdaan howlaha tababarka Ciidanka Xooga Dalkaoo qeyb ka ah taageerada Turkigu uu u fidinayo Soomaaliya.

Waxaa hadlaasi hadalo ka jeediyay R/wasaare kuxigeenada Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoo si weyn uga hadlay ahmiyada ay leedahay xoojinta xiriira walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Booqashada Wafdiga R/wasaare kuxigeenka Turkiga ee Soomaaliya ooh al maalin ah ayaa waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxda Dowladda Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlidoona arrimaha xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: