Ragg ka tirsan kooxda Alshabaab oo Muqdisho lagu so bandhigay (Daawo)

Ragg ka tirsan kooxda Alshabaab oo Muqdisho lagu so bandhigay (Daawo)

Maamulka degmada Wadajir iyo taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa Saldhiga demadaas waxa ay kusoo bandhigeen Saddex Rag ah oo la sheegay inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee laga fuliyo degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Saddexda Ragga ah ayaa iyaga oo Warbaahinta la hadlayay waxa ay sheegeen inay Shabaab u qaabilsanaayeen dilalka kana howlgalayaan degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley,isla markaana xilliga lasoo qabanayay ay ku howlanaayeen sidii ay u dili lahaayeen Haween Qaad ku iibineysay Beerta Jaad kana mid aheyd Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Qaarkood mudo dhowr sano ah ayay sheegeen inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab,sidoo kalena dilal qorsheysan ay ka fuliyeen Suuqa degmada Wadajir iyo Xaafadaha ku dhow Isbitaalka Madiina ee Magalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada Goblka Banaadir Maxamed Cabdullaahi tuulax oo Goobta ku sugnaa ayaa Ciidamada amniga uga mahad celiyey soo qabashada raggaas,waxaana uu sheegay inay ku raad joogaan dadkii ka sareeyey ee soo abaabuli jiray.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com