Ragg hubaysan oo dad rayid iyo ciidan isugu jira xalay ku laayey xaruunta maamulka Jubba ee Kismaayo

Kismaayo, September 26, 2013 – Magaalada Kismaayo ee xaruunta Jubbada hoose ayaa xalay waxaa lagu dilay dad kala duwan oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Wararka aan ka helayno Kismaayo waxaa ay sheegayaan in gudaha magaalada lagu dilay saddex ruux oo uu ku jiro Askariga ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba, oo meydkiisa laga helay xaafada Calanley.

Labba ruux oo kale oo iyana ahaa dad rayid ah ayaa maydadkooda lagu kala arkay xaafadaha Aargada iyo Calanley ee isla magaalada Kismaayo, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan ciidanka maamulka Jubba

Ciidamada maamulka KMG ah ee jubba ayaa ku soo rogay magaalada Bandow si loo sugo amniga guud haddana waxaa dhacay dilalkaas oo ay gaysteen ragg Bistoolado ku hubaysan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com