Site icon Radio Daljir

Rag katisan Al-shabaab oo dilal ka gaysan jiray Kismaayo oo la soo bandhigay

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa soo bandhigey labo dhalinyaro ah oo lagu eedeynayo inay dilal ka geysteen Kismaayo iyo weliba hubkii ay u adeegsaneyeen dilalka.

Raggan la soo qabtay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Cabdullahi Abuukar iyo Cusmaan Maxamed Maxamuud,xilli ay siteen bastoolado halka mid kamid ah uu waday waxyaalaha qarax oo lagu soo dhex qariyay Tarmuus.

Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa waxaa lagu diley bilihii la soo dhaafay nabadoono caan ka ahaa gobolada Jubbooyinka iyadoo aysan jirin cid hore loogu soo qabtay dilalkaa.

Sawiro.

Exit mobile version