R/wasaare Kheyrre oo kormeeray wasaaradaha arrimaha dibadda iyo Maaliyadda

R/wasaare Kheyrre oo kormeeray wasaaradaha arrimaha dibadda iyo Maaliyadda

R/wasaaraaha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayrre ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta wasaraaddaha arriaha dibadda maalgashiga iyo iskaashaiga caalamiga iyo Maaliyadda isagoo u kuurgalay sida ay u socdaan howlaha wasaaradahaasi.

R/wasaraha ayaa kormeerkiisa ku bilaabay wasaaradda arrimaha dibadda halkaas oo uu kulan looga hadlay dar-dar galinta howlaha wasaradda kula qaatay wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaraddaasi.

Sidoo kale Ra’iisul wasare Khayre ayaa kormeer ku tagay xarunta wasaaradda Maaliyadda isagoo kulan la yeeshay wasiirka maaliyadda waxa uuna ka wareystay halka ay marayso howlaha ay mareyso howlaha muhiimka ah ee wasaaraddaasi.

Dhanaca kale R/wasaaraha ayaa xeebta Liido waqti kula qaatay dadweyne ku sugnaa halkaa kuwaa oo u badna dhalinyaro.

R/wasaare Khayre ayaa dadkii uu kula kulmay xeebta Liido waydiiyay tolooyin iyo tabashooyin ay u hayaan dowladda, wuxuuna si deggan u dhageystay aragtiyaha dadkii uu halkaasi kula kulmay.

Dhalinyaro kubbad ku ciyaareysay xeebta Liido ayaa R/wasaraha u sheegay in ay u bahan yihiin in garoomo ay ku ciyaaraan looga dhiso degmooyinka.

R/wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhallinyaradda u ballan qaaday in wax laga qabtandoono baahida dhalinyaradda Sooamaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com