R/wasaare Kheyre oo oo goor dhaw la filayo in uu tago Caabudwaaq (Sawiro)

R/wsaaraha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa lagu wada gaar dhaw in ay tagaan degmada Caabudwaaq oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Waftiga R/wsaaraha ayaa ka kooban golayaasha dawladda dhexe ee federaalka iyo madax heer maamul goboleedka Galmudug.

Inkasta oo R/wsaare Kheyre iyo waftigiisu aysan gaarin Caabudwaaq, misna soo dhaweyn ballaaran iyo diyaar garaw lixaadleh ayaa ka socda Caabudwaaq, taas oo loogu marxabaynayo R/wasaaraha iyo waftigiiisa.

Muddo todobaad ah ayuu Xasan Cali Kheyre ku sugnaa gobolka Galgaduud, isagoo lugtiisii koowaad ka soo bilaabay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduuda, kadibna tagay Cadaado oo ah xarunta Baarlamaanka Galmudug, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, aakhirkiina galabta ay soo wada saareen warsaxaafadeed tilmaamaya wixii ay ka wada-hadleen iyo is afgaradkooda.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Sawiro.





Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com