R/W Khayre” Aan kala doorano 27-kii sano ee horay inaan kusii jirno iyo in…”

R/W  Khayre” Aan kala doorano 27-kii sano ee horay inaan kusii jirno iyo in…”

Raysal wasaaraha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka qaybgalay kulan kadhacay magaalada Muqdisho oo shahaado sharaf lagu guddoonsiinayay ayaa sheegay inay shacabku kala doortaan.

In lagu sii jiro 27kii sano ee lasoo dhaafay

In lagu sii jiro dowladnimada in lagu dhiso qabyaal.

In lagu sii jiro dowladnimada in lagu sii dhiso laaluush

In lagu sii jiro dowladnimada in lagu dhiso been

In lagu sii jiro dowladnimada in lagu dhiso nin jiclaysi

In lagu sii jiro dowladnimada in la wada dumo oo la dhibaatooda

Raysal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay shacabka in looga baahanyahay inay indhaha kala furaan oo ay yiraahdaan.

27sano ayaa dhib noogu filan

27sano ayaa noogu filan qabyaal

27sano ayaa noogu filan musuqmaasuq

27sano ayaa noogu filan in muwaadiniinteena markii ay dibadda aadaan lagu dhibo.

Raysal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhanka kalle sheegay in qorsheyaal dhowr ah oo ay horaaliin xukuumaddiisa sanadkan 2018ka.

Waxaa uu sheegay dowladda iyo shacabkeeda inay ka faa’iidaystaan juqraafiga dunida ay kaga taallo Soomaaliya, khayraadkeeda ay haysato iyo inaan go’aamadeeda dowlada shisheeye goynin.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com