Qurbajoogta Puntland ee Switzerland: “Madaxweyne Deni waxaan uga fadhinaa wasiiro tayo leh oo aan dowladda la degin sidii kuwii hore” (dhegayso

Qurbajoogta Puntland ee Switzerland: “Madaxweyne Deni waxaan uga fadhinaa wasiiro tayo leh oo aan dowladda la degin sidii kuwii hore” (dhegayso

Nadia C/raxmaan oo kamid ah gabdhaha aqoonyahanada ah ee qurba joogta Puntland ee dalka Switzerland oo maanta waraysi gaar ah siisay Radio Daljir, ayaa waxa ay bogaadisay qaabkii ay u dhacday doorashadii Puntland , rajada ay ka qabaan xukuumada la filayo in uu soo dhiso madaxweyne Deni oo ay sheegtayin loo baahan yahay Golle wasiiro ah oo aan soo shaqo tagin ee dadka u shaqeeya .

waxa ay sheegtay in shacabka Puntland ay quus ka joogaan wasiiro shacabka matala oo aan waxba u qaban. Nadia ayaa sheegtay in dowladda looga baahan yahay in ay wax ka qabato arrimaha caddaalada, amniga, Dhaqaalaha, Musuqmaasuqa iyo soocelinta gobolada maqan ee Puntland ee Sool iyo Sanaag.

Waxa ay sheegtay ugu dambayntii in sida ugu haboon ee looga gudbi karo nidaamka qabaliga ah ay tahay in Puntland ay ka dhacdo doorasho xor ah, taas oo looga baahanyahay in dowladda Puntland ee hada jirta ay hirgaliso.

Nadia waxa ay u warantay wariye Xasan Heykal, Daljir Bosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com