Qunsulka Masar u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo Garoowe soo Gaaray

Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 16 May 2017 ku qaabilay qasriga madaxtooyada Garoowe wefti uu hogaaminayey Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy.

Weftiga uu hogaaminayey Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy ayaa kahor inta aanu madaxweyne kuxigeenku ku qaabilin madaxtooyada Garoowe waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, xildhibaano katirsan Barlamaanka DFS iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.

Warbixinta Maxamed Lakiman ayaa Garowe kaso diray.

Hoos ka dhegayso

  


Posted

in

by

Tags:

Comments

2 responses to “Qunsulka Masar u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo Garoowe soo Gaaray”

  1. Abdirahman Ahmed Mohamed

    asc waxan ahay wiil soomaliyeed oo ku nool magalada kismayo oo rabba waxbarasho dalka masar dhanka sheeybaarka taas oo ay igu dhalisay markaan arkay inuu san jirin hal qof oo ku taqasasay markeesbay igu dhalisay inna raadiyo jamacad masar ah oo aan kasobarto sheebaar heersaro ah allaha u naxariisto waxan maqlay inuu jiray hal nin oo ku dhintay qaraxii shamow amo harkaha isaamaha maxa suusto midkey ahaayd labadooda ;lkn nasiib daro nin wuu dhintay somali malaha qofkale oo siwacan u yaqqan sheeybarka waxan jecllan lahha in liiradiyo fursaddas oo aan kasobarto dalka masar fadlan codsigaas ig agaarsiya madaxweynaha iyo qunsulka dalka masar si aan u helo schoolshipa

  2. Qunsulka Masar u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya howlo shaqo ayuu u yimi

U Jawaab Abdirahman Ahmed Mohamed Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com