Qoysas Barakacayaal cusub ah oo Kismaayo Yimid

November 03, 2015 (Daljir) — Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland waxaa shalay gaaray Qoysas ka barakacay Fatahaada Wabiga Jubba’ ee gobolada Jubooyinka’waxaana kusoo dhaweeyey magaalada Maamulka Kismaayo iyo kan gobolka.

Duqa degmada Kismaayo Kismaayo Ibraahim Timajilic ayaa booqday Qoysaska waxaa uuna sheegay in dadkan ay kasoo barakeen meelaha uu wabiga Jubba ku fatahay ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa uu sheegay Timijilic in maamulka Kismaayo ay ka diyaar garoobayan saamaynta ay yeelan karto dabaysha Elnino’isagoo tilmamaay inaysan jirin ilaayo hada meelo ay u cayimeen dadka soo barakacaya’balse wuxuu xusay inay dhawaan magacaabi doonaan guddi ka shaqayn doona arimaha barakacayaasha iyagoo usamayn doona meelo ay dagaan sidoo kalana ay tiro koobaan.

Qoysaska shalay gaaray Kismaayo ayaan la sheegin tiradooda’inkastoo maamulka Kismaayo ay sheegeen inay samayn doonaan tiro koob ku aadan dadka kasoo barakacay meelaha uu ku fatahmay wabiga jubba.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com