Qoysaas ku Cayroobay Abaarta SIMA oo Weli ku Dayacan Duleedka Garoowe (dhegayso)

Qoysaas ku Cayroobay Abaarta SIMA oo Weli ku Dayacan Duleedka Garoowe (dhegayso)

Barakacayaal xoolihii kaga dhamaadeen abaarta SIMA kana soo barakacay gobalada Nugaal iyo Karkaar ayaa weli ku sugan duleedka Garoowe. Barakacayaasha ayaa ka cabanaya xaalad nolal xumo, hoy xumo iyo taakuleyn la’aan.

Radio Daljir ayaa Booqasho ku tagtay kaamka Jilib oo ay ku suganyihiin qoysaas tiro badan oo SIMA ku cayroobay, waxayna hay’adaha samafalka iyo dowlada Puntland ka dalbadeen in la caawiyo, loona caawiyo si degdeg ah.

Gudoomiyaha Kaamka Jilib, Cabdi Cali Cartan, oo Radio Daljir u waramay ayaa ka warbixiyey xaaladda adag ay ku suganyihiin qoysaasku, waxa uuna u waramay wariye Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe.

Hoos ka dhegayso

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com