Qorshe dib loogu cusbooneysiinayo Masjidka Ramadaan ee Gaalkacyo oo soconaysa, (Sawirro).

Gaalkacyo, Dec, 11 -? Waxaa maanta dib loo billaabay dhismaha Masjidka Ramadaan ee xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo, kana mid ah masaajidda ugu waaweyn magaalada,? kaasoo dhawaan dhismihiisa la bur-buriyay si loo ballaariyo loogana dhigo laba dabakh.


Gudiga gacanta ku haya dib u cusboonaynsiinta masjidka oo maanta kulan ku qabtay gudaha Masjidka ayaa ka warbixiyay taariikhda uu leeyahay Masjidkani iyo sida looga qayb qaadan karo dhismihiisa? dhamaan ugu baaqay cid walboo ka qayb qaadanaysa.


Ugu horayn waxaa taariikhud Masjidkani sharaxaad ka bixiyay Axmed Xuseen Gurey oo ka mid dadka dagan xaafadda Garsoor ee uu ku yaal, waxaana uu sheegay in la dhisay sanadkii 1998dii qaybtiisii ugu horaysay, wixii ka danbeeyayna lagu waday dhisid iyo ku kordhin qaybaha kale ee masaajidka u muhiimkaa.


Cali Faarax Nuur maamulaha shirkadda Amal Gaalkacyo ayaa dhamaan cid walboo wax haysata ee ka qayb qaadanaysa cusboonaysiinta maasjidka waxaa uu ugu baaqay inay kala qayb qaataan wax walboo karaankoodaa.


Ugu danbayntii Dr, Aaden Maxamed Cigaal maamulaha Jamacada Bariga Afrika faraceeda Gaalkacyo ayaa carabaabay lacagta ku baxaysa dhismaha masjidka taasoo uu ku sheegay (lix boqol oo kun oo doolar), taasoo hada laga hayo (labo boqol oo kun) bulshada gobolka iyo cid walboo gacan ka gaysanaysa ay muhiim tahay inay ka qayb qaataan, Dr, Aaden ayaa xusay in dib u habaynta masjidkan ay keentay asbaabo badan oo ay ka mid tahay biyaha roobka oo soo gala iyo isagoo ka hooseeya dhismayaasha kale ee ka agdhaw.


Gudiga Masaajidka ayaa bulsho weyn Soomaaliyeed iyo ummadda muslimkaa ee kale ugu baaqay inay gacan buuxda ka gaystaan dhamaystirka masaajidka Ramadaan.

\"\"

\"\"

\"\"

?

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com