Qormo: Jacaylka Muxuu U Indho La Yahay, Waaliduna Usha Ugu Haysaa? W/Q: Asadnaa Suudi.

Falsafadda odhanaysa Jacayku waa indha la,yahay waaliduna Ushay u haysaa, waxay odhanaysaa: Waxaa meel isugu yimi sifooyinka wanaagsan, iyo sifooyinka xun xun, iyaga oo iska fadhiya ayaa waxa ay dareemeen caajis, waana intaan dadka aduunka la keenin, sifadda Hal abuur ayaa soo jeediyey fikrad wuxuu yidhi: maynu ciyaarno dhuumaalaysi si aynu caajiska isaga bi’ino, arrintii waxaa soo dhaweeyey dhamaan sifooyinkii kale.

Waalidii ayaa tidhi anaa ugu horaynaya oo ciyaarta bilaabaya indhahana isku qabanayee idinkuna dhuunta, aad ayaa loo soo dhaweeyey, waxaanu bilaabay tiradii kow, labo, sadex.

Sifooyinkii waxay bilaabeen in ay dhuuntaan, Qalbi jileecii wuxuu u baxay dayaxa, Khiyaanadiina kudaafad qashin qub ayey ku dhuumatay, xiisihiina wuxuu ku dhuuntay dhulka hoostiisa, beentiina intay kor u qaylisay ayey tidhi waxaan ku dhuumanyaa dhagaxa hoostiisa, laakiin Balli buuxa ayey daf tidhi.

Sifooyinkii kalena midba meel ayuu ku dhuuntay.
Waalidii waa tirisay 96 97,98, wali jacaylkii meel uu ku dhuunto ayuu raadinayaa markii 100 la gaadhay ayuu Ubax ku dhaw isku tuuray.Waalidii indhihii ayey kala qaaday waxayna tidhi in yar isuga haddaanan idin soo saarin.

Waxaa loogu hor helay, Caajiskii waayo muu dadaalin in uu si wanaagsan u dhuunto, markiiba dhegtaa la soo qabtay, Qalbi-jileec ayaa ku xigay oo isaga oo dayaxa ku dhuumanaya ayaa la helay, waxaa ku xigtay beentii iyada oo neefta tuuraysa oo adkaysan kari weyday ayey ka soo booday Baligii oo banaanka iskeentay, xiisihiina waa la helay isaga oo dhulka hoostiisa ku dhuumanaya, dhammaantood waa la wada helay waxaan ka ahayn Jacaylkii, waalidii oo niyad jabsan ayaa waxaa halkan ka soo booday Xaasidkii oo dhagta u saaray in uu jacaylkii ku dhuuntay Ubaxa dhexdiisa.

Waalidii waxay soo qaadtay Waran, waxayna guda gashay in ay Ubaxyadii ka taagto si ay uga dhex hesho Jacaylkii ama uga soo saarto, mana ay joojin warankii ay ka taagaysay ubaxa ilaa ay ka maqashay Oohin qalbiga wax yeelaysa, jacaylkii wuu soo baxay isaga oo labadiisa gacamood ku haya labadiisa indhood, oo aan waxba arkayn.

Waalidii way qaylisay iyada oo ka murugootay jacaylka ay indhaha ka riday, waxayna tidhi, shalaytadaydee iyo hoogaygee maxaan sameeyey, ma jacayl ayaan maanta indho tiray, maxaan sameeyaa si aan qaladkaan galay u saxo maadaama aan indhihii ka tuuray Jacayl.

Jacayl ayaa soo booday oo yidhi, ma soo celin kartid indhahaygii laakiin waxaa jirta arrin aad ii samayn kartid anigana igu badbaadin kartid, Usha ii qabo oo wadada igu toosi, sidaasi daraadeed ilaa maanta Jacaylkii oo indha’la waxaa usha u haya oo hogaamiya waalida.

Marmarka qaarkood waxaad arkaysaa qof wax uu jacayl ku tilmaamay ama wax u eeg ama wax uu dareemayo ay ka jeedinayaan garashada iyo waddada sax-da ah, waxaadna arkaysaa isaga oo ku talaabsanaya waxaanu gayin ama u qalmin , isaga oo eedda jacayl waxa la yidhaahdo dusha ka saaraya, oo sidan aan quruxda badnayn u galaya, oo uusan adkaysan karin, qarsan karin wixii ku jiray qalbigiisa iyo maankiisa, waxayna gayeysiisaa in dadku ku eegaan aragti ama maqaam kii laga filayey mid ka hooseeya, markaa waxaa laga soo qaadi uun qof indha alla oo nin waalani hogaaminayo, halkay iskala dhici allaw sahal. Walina waxuu jacaylkii indhaha la’aa lasoo taagan yahay heshiis dhamaystiran ma nihin hasa yeeshee ushuu wali ii hayaa.

W/Q: Asadnaa Suudi.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Qormo: Jacaylka Muxuu U Indho La Yahay, Waaliduna Usha Ugu Haysaa? W/Q: Asadnaa Suudi.”

  1. Abdirahiin mire

    Maqaalkani waakii iigu Cajiib Sanaa ee aan ka akhriyo daljir. Nuxurka qoraagu iftiimiyey waa waalida isaaq iyo jaceylka cali khaliif oo usha isu haya. Xigmad iyo farshaxanimo uu qoraagu isticmaaley marka laga yimaado wuxuu kalo nabarey waxa looqanaayo (mind games). What an Interesting article!!!

U Jawaab Abdirahiin mire Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com