Qodobada looga hadli doono kulanka Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha (Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya Maxamed Xuseen Rooble iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa maanta oo Isniin ah ku kulmaya magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu daba socday kulankii khamiistii ee labada dhinac heshiiska ku gaareen, kaasoo xaalada ka jirtay Muqdisho qaboojiyay.

Kulankan qadada ayaa ka dhacaya Hotelka Decale, waxaa la filayaa in diiradda lagu saari wixii ka qabsoomay heshiiskii lixda qodob ahaa ee ay wada gaareen dowladda iyo Musharaxiinta mucaaradka.

Qodobka lixaad ee heshiiskii Horel Decale ee khamiistii ayaa dhigaya in la sii wado wada hadalada arrimaha siyaasadeed, si looga arrinsado doorashada.

Musharaxiinta ayaa doonaya inay qeyb ka noqdaan shirarka soo socda ee lagu xaliyo caqabadaha ka jiray hannaankii doorashada ee lagu heshiiyay 17 September.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharaxiinta uu barbar socon doono shir kale oo ay yeelanayaan Guddiga loo saaray baaritaanka madaxa bannaan ee dhacdadii 19 February.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hadda u muuqda inuu door ka qaadanayo xallinta caqabadaha ka jira hirgelinta doorashada, waxaana Beesha caalamka ay dhowr jeer ka dalbadeen inuu qaato kaalintiisa hoggaamineed.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com