QM: “Soomaaliya waxaa sii kordhaysa tacadiyada ka dhanka ah Carruurta”

QM: “Soomaaliya waxaa sii kordhaysa  tacadiyada ka dhanka ah Carruurta”

Warbixintan oo sanadkiiba mar kasoo baxda Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in ugu yaraan 19,379 carruur ah ay dhibanayaal u noqdeen xadgudubyo waaweyn oo isugu jira askarayn iyo kufsi xadhaaf ah.

Dalalka ugu badan ee tacadiyada ka dhanka ah Carruurta ay ka dhaceen ayaa waxaa Warbixinta ku sheegtay in laga diiwaan galiyay wadamada Afghanistan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), Soomaaliya, Yemen & Suuriya.

“Iska horimaadyada hubeysan iyo tixgalin la’aanta sharciga caalamiga ah ee bini’aadamnimada iyo sharciga caalamiga ee xuquuqda aadanaha ayaa saameyn ba’an ku yeeshay ilaalinta carruurta, ”ayaa lagu yiri warbixinta.

In ka badan 8,400 oo carruur ah ayaa lagu diley ama lagu dhaawacay dagaallada socda waddamadan. Ku dhowaad 7,000 oo kale ayaa loo qorey askarayn dalalka DRC, Soomaaliya, Suuriya, iyo Myanmar ayaa sidoo kale lagu sheegay Warbixinta QM.

Warbixintan kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay kusoo aaay xilli labadii sano ee la soo dhaafay meelo badan oo kamid ah Soomaaliya laga diiwaangeliyay kiisas la xiriira kufsi iyo dil loo geystay Carruur farabadan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com